Sign in to follow this  
Deeq A.

War deg deg ah: Dagaal xoogan oo ka socdo degmada Buulo-Burte

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyn (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal goor dhow ka qarxay gudaha degmada Buulo-Burte ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ah mid xoogan ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu u dhexeeyo ciidamo uu wato guddoomiyaha Buulo-Burte iyo ciidamada Booliska saldhigga degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in rasaasta ay is-weydaarsanayaan labada dhinac laga maqlayo deegaano ka baxsan magaaladaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in weli dagaalku uu socdo, islamarkaana uu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay.

Lama oga waxa sababay dagaalkan, iyadoona haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan, islamarkaana dadka deegaanka ay soo wajahday cabsi xoogan.

Buulo-Burte oo Hiiraan ka tirsan ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka jiray khilaafaad dhinaca maamulka ah oo hareeyey mas’uuliyiinta degmadaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this