Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho ku martiqaaday Madaxda Dowlad Goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay kasoo qeyb galaan Shirka Golaha Amniga Qarank oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay Shirkaasi qabsoomi doono  inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 islamarkaana ajandihiisu yahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa adkaysay muhiimadda shirkaas maadaama uu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa geeddi socodka dimuqraadiyeed ee dalkeenna.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo Muqdisho ku martiqaaday Madaxda Dowlad Goboleedyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this