Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo shaacisay in ay been abuur yihiin Xeerarka loo gudbiyay Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowlad Goboleedka Jubaland, oo tixraacaysa Warqaddii Shalay ka soo baxday Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay been abuur yihiin Xeerarka Horyaalla Golaha Shacabka Baarlamanka, sidaasi darteedna ay tahay in la joojiyo.

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowlad Goboleedka Jubaland, ayaa ugu baaqay xildhibaannada Golaha Shacabka in ay joojiyaan akhrinta, ka doodista iyo ansixinta dhammaan Xeerarka ku xusan Warqadda uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka sare oo been  abuur ku tilmaamay Xeerarkaas.

Jubaland, waxay kale oo codsatay in aan la gudbin Xeer kasta oo saamaynaya Arrimaha Masiiriga ah ee dalka, inta ay Wada-tashi buux ka yeelanayaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Sidoo kale, Jubaland waxay sheegtay in aysan qayb ka noqon doonin dhaqan-gelinta Xeer doorasho kasta oo ka soo baxa Golaha Shacabka, kaas oo aan ku imaan Wada-tashi iyo Xal Siyaasadeed oo ay wada gaaraan Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Saamileeyda Siyaasadda dalka.

Ugu dambayntii, Jubaland waxay ka digtay in Qalalaase Siyaasadeed iyo dib u dhac weyni ka dhalan karo, haddii dalka laga qabto doorasho aan ku imaan wada-tashi Siyaasadeed oo ay qayb ka yihiin Dowlad Goboleedyada iyo Saamileyda Siyaasadda dalka.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka Jubaland

1-20.jpg?w=1000&ssl=1 2-14.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo shaacisay in ay been abuur yihiin Xeerarka loo gudbiyay Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this