Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Ciidamada DANAB oo dagaalyahano Shabaab ahaa ku dilay howl-gallo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada kumaandooska militeriga Soomaaliya ee Danab ayaa howlgallo ay ka fuliyeen gobolka Jubbada Hoose waxay Al-Shabaab uga saareen deegaano dhowr ah, waxayna saraakiisha hoggaamineysa ciidankaas soo bandhigeen tirada dagaalamayaal ay ka dileen Al-Shabaab.

Gaashaanle Xasan Aadan Ciraaqi waa Taliyaha ururka 5-aad, guutada 16-aad ciidamada Danab ee xoogga dalka, waxa uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in howlgalkaas ay Al-Shabaab uga dileen illaa lix xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaashooda.

Sidoo kale Taliyuhu waxa uu sheegay inay Al-Shabaab kala wareegeen deegaano dhowr ah oo hoos taga degmooyinka Kismaayo iyo Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Deegaanada ay la wareegeen ciidamadu ayaa waxaa ka mid ah Xawaaljiri, Bernasey, Yaaqbishaar iyo Cusbo, kuwaas oo dhamaantood ay horay u maamulayeen Al-Shabaab.

Taliyaha hoggaaminaya ciidamada Danab ee Al-Shabaab kala wareegay deegaanadaas waxa uu sidoo kale sheegay dhibaato badan ay wajahayeen dadka shacabka ah ee ku nool tuulooyinkaas, haatana ay u qeybiyeen cunto, biyo iyo daawo, iyaga oo soo bandhigay sawirro laga soo qaaday dadkaas.

Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa maamula qeybo ka tirsan gobolkaas Jubbada Hoose, waxaana laga soo sheegayaa deegaanada ay ka joogaan xaalado adag oo dhanka nolosha ah, taas oo ay wajahayaan dadka shacabka ah ee ku nool.

105420450_713509989437464_30150790701196

xoogga-dalka.jpg22.jpg xoogga-dalka.jpg22.jpg3_.jpg xoogga-dalka1.jpg xoogga-dalka1.jpg2_.jpg

xoogga-dalka.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this