Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Aqalka sare oo ka horyimid Xeer ay meel-mariyeen Golaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Golaha Aqalka sare e Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa ka horyimid xeerar dhowaan ay meelmariyeen xildhibaanada Golaha Shacabka isaga oo Sharci darro Ku Tilmaamay Sharciyada Horyaalla Golaha.

Guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ayaa sheegay in aysan sax aheyn xeerar badan oo haatan hor yaalla xildhibaanada Aqalka Hoose ee Baarlamanka kuwaas oo qaar ka mid ah ay weli ka doodayaan

Xeerarkaan  oo ay soo diyaariyeen guddiga wadajirka ah ee dhameystirka sharciga Doorashooyinka ayuu ku dooday in nuqulka loo qeybiyey golaha shacabka aanu aheyn midkii ay Guddigu keeneen, sidaa darteedna aysan waxba ka jirin xeerarkaan.

Sidoo kale Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa faray Guddoomiyaha Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka in aanay u isticmaali karin doorashada 2020/21 go’aan kasta oo ka soo baxa Golaha Shacabka.

Halkaan ka akhriso Qoraalka Guddoomiyaha

1-18.jpg?w=1000&ssl=1 2-13.jpg?w=1000&ssl=1 3-8.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha Aqalka sare oo ka horyimid Xeer ay meel-mariyeen Golaha Shacabka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this