Deeq A. Posted June 24, 2020 Bangiga Aduunka oo Ansixiyey in 55 malyuun oo dollar la siiyo Somalia Bangiga Aduunka ayaa ansixiyay in dowlada Soomaaliya la siiyo lacag gaareysa 55 milyan Dollar oo Caawimaad , lacagtan ayaana loogu talagalay kabka Miisaaniyadda iyadoo lagu guda jiro xili adag. Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Lacagtaan Deeqda ah Soomaaliya ku mutaystay Maamul wanaagga Maaliyadda iyo Hufnaanta dhaqaale ee ay ku talaabsatay Sadexdii Sanadood ee la soo dhaafay. Xukuumada Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay buuxiso shuruudihii deyn cafinta oo haatan maraya marxaladihii u dambeeyay, waxa ayna taasi sahasahy in Soomaaliya loo ogolaado in la siiyo lacago cusub. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites