Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuqaal:-Bankiga Adduunka Oo Soomaaliya Ugu Deeqay 55 MilyanOo Dolar

Recommended Posts

Deeq A.   

Bangiga Adduunka ayaa Soomaaliya ugu yaboohay deeq lacageed oo dhan 55 Milyan oo dollar oo wax looga qaban la talaacidda Covid-19, laguna taageeri doono siyaasadaha dhiirrigelinta ganacsiga gaarka ah isla markaana miisaaniyadda lagu kabayo.

Lacagtan ayaa kamid ah deeqaha caalmka bankiga uu siiyo, si wax looga taageero dhaqaalaha dalka iyo siyaasadaha dib u habeynta si loo sameeyo siyaasasado lagu dhiirigelinayo ganacsiga gaarka ah.

Lacagta uu Bangiga uu ansixiyey ayaa loogu talo galay in wax looga qabto xaalada caafimaadka ee ku aaddan xanuunka COVID-19, oo Soomaaliya ay kamid tahay goobaha uu saameeyey ku yeeshay wadamada Afrika.

Halkan Ka Daawo Bankiga Adduunka Oo Soomaaliya Ugu Deeqay 55 Milyan Oo Dolar

Goobjoog Business

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this