Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo sii deysay fanaaniin ku xirnaa magaalada Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta xabsiga ka sii deysay labo fanaan oo muddooyinkii la soo dhaafay ku xirnaa magaalada Hargeysa.

Fanaaniinta la sii daayey oo kala ah Barwaaqo Qalanjo iyo Xamda Qaali ayaa muddo ka badan labo bil ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaaladaasi.

Sababta loo xiray ayaa horey waxaa loogu sheegay inay la xariirto safar ay ku yimaadeen magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya oo ay ku qabteen bandhig faneed, kadibna xabsiga la dhigay markii ay ku laabteen gudaha magaalada Hargeysa.

Labada fanaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay xorriyadooda dib u helaan, iyagoo u mahadceliyey dadkii ka qeyb qaatay sii deyntooda.

Arrintaan ayaa ku soo aadaysa, iyadoo shalay Somaliland ay ogolaatay isku socodka koonfurta iyo waqooyiga, kadib wahada-hadalladii lagu qabtay dalka Jabuuti.

Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii Somaliland ay xabsiga ka sii deysay Wariyaha caanka ee Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo muddo u xirnaa xukuumadda maamulkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this