Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Shacabka Somalia oo Saaka Cod aqlabiyad ah ku meel mariyay Xeerka Kuraasta Xilhibaanada Ku Shaqeysta Magaca Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Shacabka Somalia oo Saaka Cod aqlabiyad ah ku meel mariyay Xeerka Kuraasta Xilhibaanada Ku Shaqeysta Magaca Somaliland

 shacabka.jpeg

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maalmahan ku mashquulsanaa ka doodista afar xeer ay soo gudbiyeen guddiga wadajirka ee dhameystirka Xeerarka doorashooyinka ayaa maanta meel mariyay mid kamid ah xeerarkaasi.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaana maanta shir gudoominayay kulan ay soo xaadireen 168-Xildhibaan, waxaana kulankan looga doodayay xeerar kuraasta gobalada Waqooyi.

Xildhibaanada ayaana dood dheer ay xeerkan ka yeesheen kadib cod u qaaday xeerkan, waxaana u codeeyay meel marinta xeerkan 167-Xildhibaan, waxaa diiday hal Xildhibaan, mana jirin wax Xildhibaan ah oo ka aamusay.

Xildhibaanada golaha Shacabka ayaa horey u meel mariyay xeer qoondada haweenka gaar ahaan in kuraasta haweenka kaligood ku tartamaan, waxa ayna hada ka doodayaan Xildhibaanada Maqaamka Gobolka Banaadir iyo xubnaha uu ku yeelanayo Aqalka sare.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this