Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciyaartooydii Hore Soomaaliya Oo Muqdisho Ka Aasay Aasay Koox Akdeemiyad Ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa socda abaabulka iyo isku keenista xidigihii hore Soomaaliya waxaana dhallinyaro kala joogta gudaha dalka iyo dibadda ay abuureyn koox lagu magacaabo Mideynta waxayna ka shaaeyndoonaan horomarinta,is dhaxgalka,dhiiri gelinta iyo kor u qaadida ciyaaraha.

Screen-Shot-2020-06-23-at-12.50.51-PM-10

Sheekh Maxamuud Caddow oo ah xoghayaha ururka SOCSA ayaa ka mid ah aas aasayaasha koooxda Mideynta wuxuuna sharaxaad ka bixiyay waxa ka dhaliyay barnaamijkan iyo hadafkooda fog.

Sequence-01.00_00_23_12.Still001-1024x76

Axmed Maxamed Colow oo ka mid ahaa xidigihii hore
Kooxda Batroolka Batroolka ayaa ka mid ah tababarayaasha naadiga Mideynta wuxuuna sheegay in barnaamijka uu yahay mid aad u wanaagsan oo wax tar u noqondoono guud ahaan bahda isboortiga.

Sequence-01.00_00_23_23.Still004-1024x76

Kooxda Mideynta ayaa shantii bil ee lasoo dhaafay siyaabo kala duwan magaalada Muqdisho iyo dalka dibadiisa ka waday tartamo kala duwan oo lagu xusayo xidigihii soo maray Soomaaliya ee geeriyooday waxaana howlan isxaanqaana ka mid celiyay bahda isboortiga,iyagoo bogaadiyay in la sii wado howlahan.

Sequence-01.00_00_23_23.Still003-1024x76

Ismaaciil Malaaq Senegal oo horay ugu tirsanaa Xulka Qaranka ayaa isna ka mid ah kooxda Mideynta wuxuuna sheegay in hadafkooda uu yahay isku keenista iyo isku xirka laacibiintii hore kuwii dhexe iyo kuwa iminka soo koraya, si la gaaro guulo waaweyn. Sequence-01.00_00_23_23.Still002-1024x76

Si kastaba maamulka iyo qubarada ku midoobay kooxda Mideynta ayaa rajaynanya in ay noqdaan dalada wax badan ku soo kordhisa geedi socodka iyo kobaca ciyaaraha Soomaaliya.

Screen-Shot-2020-06-17-at-5.26.48-PM-102

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Kooxda Midaynta 

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this