Sign in to follow this  
Deeq A.

Odowaa oo war ka soo saaray is-qarxintii saldhigga Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sarreeye guuto, Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka warbixiyey qarax is-miidaamin ahaa oo saaka ka dhacay banaanka hore saldhigga tababarada Turkiga ee magaalada Muqdisho.

Odowaa ayaa shaaciyey in qaraxaasi laga hortagay, islamarkaana ciidamada ammaanka ay toogteen nin doonayey inuu isku dhex- qarxiyo dhalinyaro Jaamacadaha ka soo baxay oo ku biireysay saaakiisha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in qaraxaasi ay ku dhinteen illaa laba qof oo midkood uu arday ahaa.

“Qof xiran walxaha qarxa ayaa isku dayay in uu soo dhexgalo dhallinyaro Jaamacaddaha kasoo baxay oo doonayay in ay ciidamada kusoo biiraan, balse ciidamada ayaa ka shakiyay iyagoo toogtay kahor inta aanu soo dhexgalin galin ardayda” ayuu yiri Odowaa.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan, balse kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ceenkan oo kale ah ka fulisa gudaha caasimadda.

Xerada qaraxa lala beegsaday ee TurkSOM ayaa ah xero ballaaran oo lagu tababaro ciidamada dowladda, waxaana sidoo kale ku sugan macalimiin Turkish ah oo bixiya tababaradaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this