Sign in to follow this  
Deeq A.

Gen. Odowaa oo k hadlay qaraxa Saldhigga Turkisom

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha ciidmada Xoogga dalka Gen. Odawaa Yusuf Raage ayaa ka hadlay qarax ismiidan ah oo saaka ka dhacay Saldhigga Turkisom ee Muqdisho.

Taliye Odowaa ayaa sheegay in ciidamada ilaalada Saldhiga Turkisom ay toogteen nin xiran walxaha qarxa oo ay ka shakiyeen markii u hoggaansami waayay awaamiirta ciidamada, kaas oo rabay uu isku qarxiyo dhallinyaro arday ah oo doonayay in ay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka.

“Qof xiran walxaha qarxa ayaa isku dayay in uu soo dhexgalo dhallinyaro Jaamacaddaha kasoo baxay oo doonayay in ay ciidamada kusoo biiraan, balse ciidamada ayaa ka shakiyay iyagoo toogtay ka hor inta aanu soo dhexgalin galin ardayda” ayuu yiri Gen. Odaywaa.

Qaraxa, sida ay xajiijiyay dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ku dhintay labo qof oo midkood ka mid ahaa arday doonaysay in ay ku biiraan ciidamada Xoogga dalka, sidoo kale waxaa jira dhaawacyo ka dhashay qaraxa.

Ma jiraan warar madax bannaan oo xaqiijin kara khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaas, iyadoo ay yar tahay wararka madax bannaan ee laga heli karo saldhigga Turkisom.

Saldhigga Turkisom ee Muqdisho waa goob amnigeeda si aad ah loo ilaaliyo oo lagu tababaro ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya  oo isugu jira Boolis iyo Milateri, waxaana gacanta ku haya Turkiga.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, balse Al-shabaab ayaa weearada noocaan ah ka geysta Soomaaliya, iyaga oo maalmihii ugu dambeeyey dhowr weerar ku qaaday xarumo dowladeed.

PUNTLAND POST

The post Gen. Odowaa oo k hadlay qaraxa Saldhigga Turkisom appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this