Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo kulamo xasaasi ah ka wada Qardho

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Maxamed Deni oo ku sugan Qardho ayaa kulamo ballaaran ka bilaabay magaaladaasi.

Kulamada oo ah kuwa xasaasi ah ayaa waxaa madaxweynuhu uu la qaatay odayaasha, waxgaradka iyo qeybaha bulashada ee degmada Qardho.

Sidoo kale waxaa kulamadaasi qeyb ka ahaa maamulka gobolka Bari, kan degmada iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Soomnaaliyeed ee Puntland.

Intii ay socdeen shirarkaasi ayaa waxaa diirada lagu saaray arrimaha amniga, horumarinta degmada iyo in biyo xireen loo sameeyo Qardho si looga gashaanto daadadka ku soo fataha magaalada oo ugaysta khasaare naf iyo maal-ba leh.

Siciid Deni oo madasha ka hadlay ayaa ka dalbaday ka qeyb galayaasha shirka in ciidamada amniga ay kala shaqeeyaan xasiloonida nabad-geylada.

Puntland ayaa muddooyinkii la soo dhaafay wajaheysay culeyso siyaasadeed iyo kuwa amni aad u xoogan intaba.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this