Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey qaraxii ka dhacay xerada Turkiga ee Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax is-miidaamin ahaa oo maanta ka dhacay saldhigga Turkiga ee magaalada Muqdisho, kaas oo uu fuliyey ruux isku xiray jaakadda qaraxyada, kaas oo ‘toogasho’ lagu dilay.

Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore ee saldhigga, gaar ahaan goob ay saf-dheer ugu jireen dhalinyaro Leyli saraakiil loo diyaarinayey.

Wararka ayaa sheegaya in qofka is-qarxiyey oo dhaq dhaqaaq badan sameynayey ay ka shakiyeen marka hore ciidamada amniga, kadibna markii la rasaaseeyey uu qarxay.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay ugu yaraan 2 qof oo rayid ahaa iyo qofkii is-qarxiyey, sida uu xaqiijiyey afhayeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Oronjo oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga.

Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo kooban oo ka dhashay qaraxaasi, kuwaas oo la dhigay goobaha caafimaad ee magaalada Muqdisho.

Ma jirto illaa iyo hadda ci sheegatay mas’uuliyadda qaraxaan, balse kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro ceenkan oo kale ah ka fulisa gudah caasimadda.

Xerada qaraxa lala beegsaday ee TurkSOM ayaa ah xero ballaaran oo lagu tababaro ciidamada dowladda, waxaana sidoo kale ku sugan macalimiin Turkish ah oo bixiya tababaradaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this