Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo ogolaatay in dib loo furo isu-socodka dadweynaha labada dhinac

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Somaliland, ayaa ogolaaday in aan la carqaladayn isku socodka dadweynaha gobollada Waqooyi Galbeed ee la baxay Somaliland iyo gobollada kale ee Soomaaliya.

Qodob kamid ah Heshiiskii dowladda Federaalka iyo Somaliland ku gaareen waddanka Jabuuti, ayaa lagu sheegay in labada dhinac ku heshiiyeen in aan carqaladayn isku socodka dadweynaha iyo xiriirka bulsho midna.

Isu-socodka la xiriira dhaqanka, Waxbarashada, Ciyaaraha iyo Ganacsiga ayaa lagu heshiiyay in aysan dhinacna carqaladayn, si loo xoojiyo nabadda iyo wada-hadalka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Somaliland.

Balse, Somaliland waxay si cad sheegtay in aysan ogolayn dhammaan wixii siyaasad la xiriira, waxaana ay diidday in dib loo furo isu-socodka siyaasiyiiinta labada dhinac oo xayirnaa tan iyo markii Somaliland sheegatay in ay dalka intiisa kale ka go’day 1991-dii.

PUNTLAND POST

The post Somaliland oo ogolaatay in dib loo furo isu-socodka dadweynaha labada dhinac appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this