Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoorqoor oo Booqday Xeerada Ciidanka Xoogga Ee Bacaadweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi kaariye ayaa kormeer ku tagay xarunta ciidanka xoogga qeybta 21-aad ee deegaanka Baacadweyn ee gobolka Mudug.

Madaxweynaha oo uu wehliyey wasiirka amniniga gudaha Galmudug  ayaa ugu horeyn wuxuu salaan uu ka qaatay cutub ka tirsan ciidamada, madaxweynaha ayaa taliska ka dhageystay warbixin ku aadan xaaladaha ciidanka.

Madaxweynaha ayaa ciidanka iyo hoggaankiisa la wadaagay hadal-jeedin isugu jirta ammaan, duco iyo dardaarran, xerada ciidanka uu booqday madaxweynaha ayaa maalin ka hor waxaa ka dhacay weerar loo adeegsaday gaari.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this