Sign in to follow this  
Deeq A.

Saldhigyo ay lahaayeen Al-Shabaab oo howl-gallo lagu burburiyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (Caasimada Online) – Ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeey agagaarka degmada Beled-Xaawo ee gobolkaasi.

Howl-gallada oo ah kuwa qorsheysan ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday saldhigyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahaayeen tuulada Caracase oo qiyaastii 30- km u jirta Beled-Xaawo, iyadoona ay si wadajir ah howlgalkaasi u qaadeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Haramcad iyo ciidamada nabad sugida qaranka Soomaaliya.

Taliyaha xasilinta gobolka Gedo, Bakaal Kooke oo horkacayey howl-galladaasi ayaa sheegay inay ciidamadu cagta mariyeen fariisimo iyo xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, wuxuuna tilmaamay inay sii wadi doonaan dhaq dhaqaaqyadooda.

Sidoo kaled wuxuu intaasi ku daray in u jeedkooda uu ahaa sidii looga hortagi lahaa weeraro uu sheegay inay Al-Shabaab ka soo abaabulaan duleedka Beled-Xaawo.

Kooke ayaa sidoo kale u mahadceliyey dadka deegaanka oo uu sheegay inay si aad ah ula shaqeeyeen ciidamada ammaanka.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi, balse xaaladda ayaa saaka ah mid aad u degan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this