Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda Federaalka oo hawlgal qorshaysan ku burburiyay saldhig ay leeyihiin Al-shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliska gaarka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu magacaabo Haramacad oo kaashanaya ciidanka Nabad sugidda  ee ku sugan degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa shaaciyay in ay burburiyeen fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen nawaaxiga Beled Xaawo.

Hawlgal qorshaysan oo ciidankaasi ka fuliyeen Tuulada Caracase oo qiyaastii 30km u jirt degmada Beled xaawo ayay sheegeen in ay ku burburiyeen fariisimo Al-shabaab ku lahaayeen degaankaas.

Saraakiisha Ciidanka ayaa sheegay in ujeedka howlgalkaas uu ahaa mid lagu xaqiijinayay Amniga Degmada Beled xaawo oo mararka qaarkood ay Al-shabaab weeraro ka gaystaan.

Sidoo kale waxay shacabka degaanka uga mahadceliyeen sida ay ugala shaqeeyaan sugidda Amniga iyo la-dagaallanka Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada dowladda Federaalka oo hawlgal qorshaysan ku burburiyay saldhig ay leeyihiin Al-shabaab appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this