Sign in to follow this  
Deeq A.

Abwaan: Dad badan oo Boosaaso sheegta waxaa uga soo horreeyay Dadka Reer Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan oo xalay kulan la qaatay Bulshada ka soo jeeda Koonfur Galbeed ee ku dhaqan Boosaaso ayaa ku amaanay Ganacsiga iyo Horumarka ay ka sameeyeen Degaannada Puntland gaar ahaanna Magaalada Boosaaso.

Guddoomiye Abwaan wuxuu sheegay in Dadka Reer Koonfur Galbeed ee ku nool Puntland ay la xaquuq yihiin kuwa u dhashay maadaama ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo deggan qayb kamid ah Dalkooda hooyo ee Soomaaliya.

Mudane Cabdisamad Abwaan ayaa sidoo kale ka digay in Bulshada ka soo jeeda Koonfur Galbeed lagu tilmaamo Jaaliyad isagoo xusay in qof Soomaali ah oo Dhulkiisa jooga aan loo isticmaali Karin kalmaddaas.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Dadka Reer Koonfur Galbeed ay Boosaaso kaga soo horreeyeen kuwa badan oo haatan sheegtay in Boosaaso ay u dhasheen sida Guddoomiyuhu hadalka u dhigay.

Ugu dambayntii Guddoomiyaha ayaa sheegay in Bulshada Reer Koonfur Galbeed aan lagu shaabbadayn Karin haddii qof iyo laba ka soo jeeda uu Puntland dhibaato ka gaysto maadaama Dadka Ami-darrada ka shaqeeya aysan Degaan gaar ah la hayn.

Halkaan ka daawo khudbaddiisa oo dhan

PUNTLAND POST

The post Abwaan: Dad badan oo Boosaaso sheegta waxaa uga soo horreeyay Dadka Reer Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this