Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudiga Oo Go’aan Rasmi Ah Kasoo Saartay Xajka Sannadkan

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Dowladda Sacuudiga ayaa ku dhowaaqday inay tiro dad ah oo kooban sanadkan loo ogolaan doono Xajka oo billaabanaya dhammaadka bisha July, sababo la xidhiidha cudurka Coronavirus.

Wasaraadda Xajka Sacuudiga ayaa sheegtay in kaliya dadka degan gudah Sacuudiga, dhalashadii ay doonaan ha haystaan’e, loo ogolaan doono inay sanadkan xajiyaan. Ma jiri doonto cid sannadkan ka imaneysa dibedda.

“Go’aankan waxaa loo qaatay in la xaqiijiyo in Xajka loo guto si nabdoon iyada oo la eegayo caafimaadka dadweynaha,” ayaa lagu yidh qoraal kasoo baxay Wasaaradda Xajka.

Dowladdu ma shaacin tirada rasmiga ah ee dadka ka qeyb gali doono xajka sanadkan. Sanadkii tegay waxaa Xajka gutay dad gaadhaya 2.6 milyan oo qof.

Go’aankan ayaa yimid kadib toddobaadyo la isla dhex-marayey in Xajka sanadkan gebigiisba laga yaabo in la baajiyo, ama loo ogolaado tiro kooban oo matalaad un ah.

Xajka ayaa waxaa Sacuudiga kasoo gala dhaqaale badan iyada oo sannad kasta uu soo xareeyo lacag gaadheysa 6 bilyan oo dollar.

Sacuudi Carabiya marna ma joojin Xajka muddo 90 sano ah, tan iyo markii dalkaas la aas-aasay.

Dalal dhowr ah ayaa goor hore sii sheegay inaysan cidna Xajka u diri doonin sanadkan, waxaana ka mid ah Malaysia iyo Indonesia oo marka la isku geeyo sanad kasta dira rubac milyan qof.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this