Abdulladiif Al-Fiqih Posted January 20, 2006 Heestan ninbaa aana hada magaciisa xusuunsan ayaa tiriyey maalin ku beegan dhalashadii hooyaydiis waxayna kutarjumaysaa abaalka hooyo ubadkeed kuleedahay iyo sidaan marnaba loo gudi karaynin. Hadii aad hayso ama garaneyso hees, gabey iwm oo kusaabsan amaan hooyo, fadlan buggan kusoo bandhig aan kula wadaagne’e Alkun iyo ahaanshoba Amin sagaal bilood aan Sedkaygii idlaystoo Abuurkaygu buuxsamay Eedaadka fooshii Umul waayahaagii Hooyo iil kor saarnayd Aawaday u sigatee. Isha markaad I saartayna Nabarkii illowdoo Ibta caanahaagii Afka iigu qabatee Immisaad habeenimo Irdho aad la salashoo aad olololwaa iyo Ammaan igu sabaysoo Anoo ilaxidh seexdayna Immisaad ilaalada Ooggu kugu iftiimoo Hurdo kala abaadeen Dhabtaadaa ardaayoo Dhaqan laga arooraa Anshax laga barbaaraa Aqoon looga hoydee. Unuggii bulshaday Illinkii kalgacal iyo Astaantii jacaylkay Addoomaha u mudanay Eebbana cibaadada Amran lagu lammaanshay Abaal hooyo yaan gudin Awoodayda maahee Hayeeshee itaalkay Magacaaga eed iyo Iinta waan ka dhowriye Aakhirana samahay Allif haddii la ii qoray Adaan ku hibeeyee Anna raalli gelintaa Janno waan ku eefiye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haneefah Posted January 21, 2006 Touching lyrics! Hooyooy macaaney Nuurkii indhaheygaay Ruuxii qalbigeygaay Aayihii nafteydaay Hooyooy Macaaney Daaradadaa nasasho laga helaaye Dhabtaadaa raaxo laga helaaye Agjoogaagaa nimco lagu helaaye Ducadadaa farxad duni iyo akhiroba lagu helaaye Hoyoooy macaaney Qofaan kugu miitaalo aduun laguma arkinee Jaceylkaan kuu qabo Kalaam laguma koobi karee Saad iigu rooneyd Rabbi ha kuugu roonaado... May Allah bless all the beautiful mothers out there who continue to pour out their unconditional love for us, nurture and inspire us, empower and motivate us...I'll stop before I tear up... *goes to give mom a humongous hug* Alhamdulilah! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Meygaag Posted January 21, 2006 The above song(Abaal Hooyo)was composed by Xassan Cumar Hoori, Aftahan. Used to be one of the Somali Entrepreneurs in the Somali Film Industry. So Long Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abaadir Posted January 21, 2006 Abraar Touching lyrics! Hooyooy macaaney Nuurkii indhaheygaay Ruuxii qalbigeygaay Aayihii nafteydaay Hooyooy Macaaney Daaradadaa nasasho laga helaaye Dhabtaadaa raaxo laga helaaye Agjoogaagaa nimco lagu helaaye Ducadadaa farxad duni iyo akhiroba lagu helaaye Hoyoooy macaaney Qofaan kugu miitaalo aduun laguma arkinee Jaceylkaan kuu qabo Kalaam laguma koobi karee Saad iigu rooneyd Rabbi ha kuugu roonaado... Abraar, ina abti ma jacbur baa mise waa gabay horey u jirey...... Si buu iila deel qaaf badan yahay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Meygaag Posted January 21, 2006 Koolkooliye sxb ka waran haddii aan soo qoro Hees magaceeda la yiraahdo 'EED HOOYO LAGA GALLAY'? Ma fillaysaa in ay tahay caadi maadaamo, sida magaca heeska ka muuqataba, ay tahay Hees ka turjumaysa uurkutaalooyinka mararka qaar lagula kaco ama loo geysto Hablaha yar yar ee soo karaya, iyada oo markaasi la adeegsanayo xeeladdo baaxad leh oo marin-habaabis ah si loo xaddo garaadka iyo caqliga hablahaas hanaqaadka ah ee aan waxba gallabsan? Do U think it should be Ok to post that kind of Song down here in this thread? Haddii se ay tahay meeshan meel loogu talo gallay ABAALKA HOOYOOYINKA & AMAANTOODA, meel kale ayaan soo gellin doonaa, HEI Thanks and So Long Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abdulladiif Al-Fiqih Posted February 11, 2006 Meygaagow, haa sxb soo qor wax alla wixii hooyo kusaabsan dhabcan title-ku waa narrow balse hada mabadali karo[Editing time is up]. We can post anything that pertains to HOOYO. Here is Hooyadu waa lama huraan by Carees Ciise Abaadir, adigu ama hees/gabey mid uun keen hadii kale dadka wax curinaya jidka ubanee adeer waa ku sidee Quote Share this post Link to post Share on other sites