Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqortooyada Saudi Carabiya oo War cusub ka soo saartay Xajka 2020

Recommended Posts

Deeq A.   

Xajka Sannadkan Oo La Fasaxay Waana Xaj Kooban Jinsiyadaha Ku Nool Gudaha Dalka Sacuudiga Oo Keliya!

 haj-300x175.jpg

Xajka Sannadkan Oo La Fasaxay Waana Xaj Kooban Jinsiyadaha Ku Nool Gudaha Dalka Sacuudiga Oo Keliya!

Wasaaradda Xajka Iyo Cumrada Ee Dalka Sacuudiga Oo Shaacisey In Xajka Sannadkan La Xajin Doono Kaasoo Weliba Ah Xaj Maxduud (Tiro Kooban) Waa Dadka Ku Nool Ama Imminka Jinsiyadaha Kala Duwan Ee Ku Sugan Gudaha Dalka Sacuudiga

Hay,adda Culumada Ugu Sareysa Ee Sacuudiga Oo Taageeray Amarka Boqortooyada Sacuudiga Kaasoo La Fasaxay Xajka Sannadkan Oo Noqon Doono Xaj Muxadad Ah Muwaadiniinta Sacuudiga Iyo Jindiyadaha Ku Nool Gudaha Dalka Oo Keliya!

Taasoo La Og Yahay In Adduunka Oo Dhan Ka Dilaacay Cudurka Dilaaga Ee Karoona Feyraska Asiibayna 180 Dal Isla Markaana U Dhintay Dad Ka Badan Nus Milyoon, 7 Malyanna Cudurku Asiibay

Wasaaradda Xajka Iyo Cumrada Iyadoo Ka Fakiraysa Ilaalinta Xujayda Dibadda Ammaankooda Iyo Caafimaadkooda Inay Si Raaxa Leh U Gutaan Waajibaadka Xajka, Kolkaa Sannadkan Waxaa Loo Oggol Yahay Oo Keliya Jinsiyadaha Muslimiinta Gudaha Dalka Sacuudiga Ku Nool Oo Weliba Tiro Kooban Ah Si Loo Ilaaliyo Kala Fogaanshaha Iyo Si Loogu Hortago Cudurkan Koofid-19!

Xajkan Fursad Weyn Waxay U Noqonaysaa Dadka Haysta Sharciga Degganaanshaha Sacuudiga Oo Aan Weligood Xajin Ama Dadka Shanta Sano Ugu Danbaysay Ee Aanan Xajin.

Ali Sheikh Adan

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this