Sign in to follow this  
Deeq A.

<div class="title">Dowladda Soomaaliya oo diida...

Recommended Posts

Deeq A.   
Dowladda Soomaaliya oo diiday inay jawaab ka bixiso hadalkii xanafta lahaa ee Trump kasoo yeedhay
 2020622637284259685606951.jpg
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in aysan wax faallo ah ka bixin karin dhaleeceynta madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu u jeediyay dalka xilli uu ku guda jiray ololihiisa doorashada ee habeenkii Sabtida.

Madaxweyne Trump ayaa Soomaaliya ku sifeeyay Waddan Dowlad la’aan, amni la’aan ah iyo  boolis la’aan, Hadalkaan ayaa qeyb ka ahaa weerar dhanka afka ah ee uu ku qaaday xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka kongarayska.

Warbaahinta BBC-da ayaa weydiisay wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya haddii ay bixnayso jawaab, laakiin waxay u sheegtay in aaney xilligan diyaar u ahayn jawaabta dhalleecaynta Trump.

Ma’ahan markii ugu horreysay ee uu Trump ku dhawaaqo hadal xanaf leh oo ka dhan ah Soomaaliya, isagoo ku xumaynaya Ilhaan Cumar oo asalkeedu yahay Soomaali, balse haatan ka tirsan Kongareeska Mareykanka.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this