Sign in to follow this  
Deeq A.

Horjoogayaashii Al-Shabab ee dhulka xeebaha, Ciise Yare iyo Xeerow oo howlgal lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (Caasimada Online) – Ciidamada kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Gor-Gor oo si wada jir ah u howlgalaya ayaa maanta Al-Shabaab kala wareegay degaanada Jilib-Marko iyo Gendershe oo hoos  taga degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa saraakiisha hogaamineysa ciidamadaas waxa ay sheegeen in qorshuhu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa dhulka xeebta ee u dhaxeeya degaanka Jasiira ee duleedka Muqdisho iyo degmada Marka.

Taliyaha guutada 16-aad ee danab Gaashaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa Idaacadda Ciidamadda Qalabaka Sida u sheegay in ciidamadu intii ay howlgalka ku jireen ay ku dileen laba sarkaal oo Al-Shabaab u qaabilsanaa degaanada xeebta dhaca ee maanta ay ciidamadu la wareegeen.

Taliyahaa ayaa sidoo kale sheegay in saraakiisha laga dilay Al-Shabaab lagu kala magacaabo Xeroow iyo Ciise Yare, haatana ay ku raad joogaan sarkaal kale oo lagu magacaabo Shuceyb Fanax, kaas oo kamid ah hoggaamiyaasha sare ee Al-Shabaab u qaabilsan dhulka xeebta ah.

Ciidamadda kumaandooska xoogga dalka ee Danab iyo Gor-Gor ayaa haatan waxay deegaanadii ay la wareegeen ka wadaan howlgallo baaritaano ah oo ay ku xaqijinayaan ammaanka, sida uu sheegay Taliyaha ka warbixiyey howlgalladaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this