Sign in to follow this  
Deeq A.

Walaac Laga Qabo Dib U Dhac Ku Yimaada Doorashadda Golaha Wakiilada

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Waxa sii xoogeysanay marba marka ka dambaysa walaaca laga qabo dib u dhaca ku yimaad Doorashada golaha Wakiilada Somaliland, taasi oo ay saddex-da Xisbi Qaran iyo Beesha Caalamku ay ku heshiiyeen inay dalka ka qabsoonto dhammaadka sannadkan 2020, waxaana hadda muuqata ifafaale muujinaya inuu iman karo dib u dhac kale, maadaama aan illaa hadda la samayn wax-yaabihii aasaasiga u ahaa qabsoomida doorashadaas, isla markaana aan la dhammaystirin xubnaha Guddida cusub ee doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Doorashadaasi oo ay hadda ka hadhsantahay wakhtigii loo qoondeeyey afar bilood oo kali ahi, ayaa waxa aan illaa hadda la qaban waxyaabihii aasasiga u ahaa qabsoomida Doorashadaasi, sida Diiwaangelintii iyo saami qaybsigii kuraasta Golaha Wakiilada Somaliland oo aan ilaa hadda loo dhaqaaqin,kuwaas oo caqabad ku noqon karra qabsoomida Doorashadaasi, isla markaana sababi kara dib u dhac kale, haddii aan si deg deg ah loo xallin

Saddexda Xisbi Qaran ayaa sanadkii tegay bishii Julay 2019-ka heshiis is afgarad ka gaadhay muran la xidhiidha arrimaha doorashooyinka oo soo jiitamay iyagoo halkaas ku kale saaxeexday heshiis ay Beesha caalamka soo curaysay, waxaanay isku wafaqeen inay doorashada sanadkan aynu ku jirno ee 2020-ka ay dhammaadkiisa dalka ka qabsoonto, haseyeeshee waxa muuqda ifafaale muujinaya in ay doorashadaasi aanay dalka ka qabsoomay wakhtigaasi loo qoondeeyey,madaama oo  aan weli la dhammaystirin xubnaha Komishanka cusub ee doorashooyinka, kuwaas oo ay ka maqan yihiin labadii xubnood ee Xisbiyadda Mucaaradka ah oo aanay weli ansixin gollaha Wakiiladu, balse loo ballansan yahay in mar kale la horkeeno todobaadka dambe bilowgiisa.

Geesta kalene falaqeeyayaasha Siyaasada Somaliland iyo deneeyayaasha arrimaha Doorashooyinka Somaliland, ayaa iyaguna walaac mid lamid ah ka qaba qabsoomidada Doorashadaasi, waxaana u muuqada in aan illaa hadda la samayn qodobo dhawr ah oo mihiim u ah qabsoomadida Doorashadaasi December 2020-ka,kuwaas oo ay ugu mihiimsan yihiin heshiiska saami qaybsiga kuraasta Golaha wakiilada Somaliland iyo Diiwaangelinta codbixiyayaasha Somaliland oo aan ilaa hadda midna loo dhaqaaqin .

Dhanka kalena Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo dhawaan war-baahinta kula haddlayey Qasriga Madaxtooyadda Somaliland, isla markaana ka haddlayey halista cudurka Karoona Fayras, ayaa sheegay inuu adduunka oo dhani uu wax kasta iska illaabay oo uu u jeestay siddii uu iskaga  difaaci lahaa cudurka Karoona Fayras, isla markaana doorasho haddalkeed la iska daayey, waxaanu sheegay in haddii cudurka Karoona uu illaahay inaga dul-qaado in Doorasho la geli doono

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this