Sign in to follow this  
Deeq A.

Somali Awood badan ku lahaa oo laga qaaday Xilkii uu hayey+Somali kale oo xil sare loo mgacaabay

Recommended Posts

Deeq A.   

Somali Awood badan ku lahaa oo laga qaaday Xilkii uu hayey

aden-1.jpg

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo ahaa hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka Kenya ayaa goor dhow xilka laga qaaday, kadib markii ay kalsoonida kala noqdeen inta badan xildhibaanada baarlamaanka dalkaasi.

Xilka qaadistan ayaa aheyd mid la filayey, kadib markii dhowaan in ka badan 130 Mudane ay mooshin ka dhan ah isaga u gudbiyeen madaxweynaha wadanka Kenya, Uhuru Kenyatta oo sidoo kale ah hoggaamiyaha xisbiga talada dalkaas haya ee Jubilee.

Aadan Barre Ducaale ayaa sidoo kale muddooyinkii la soo dhaafay wajahayey hubanti la’aan iyo culeys uga imaanayey dhinaca baarlamaanka.

Sidoo kale wuxuu xilka hoggaamiyaha aqlabyidda baarlamaanka hayey tan iyo doorashooyinkii dhacay sanadkii 2013-kii.

Xildhibaan Aadan Barre oo Soomaali Keyaan ah, lagana soo doorto gobolka waqooyi bari ayaa ka mid ah xildhibaanada fir-fircoon ee ku jira xisbiga talada haya ee Jubilee.

Geesta kalena Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa shir gudoominayay kulanka ay yeesheen xisbiga talada Kenya haya ee maanta xilka Hogaamiyaha aqlabiyada Baarlamaanka Kenya looga xayuubiyay Xildhibaan Aadan Barre.

Hoggaamiyaha cusub ee Aqlabiyada Baarlamaanka dalka Kenya ayaa loo doortay Amos Kimunya, waxaa sidoo kale Aadan Keynaan oo kasoo jeeda gobolka Waqooyi bari Kenya loo doortay Xoghayaha Guud ee isbaheysiga xisbiga talada Kenya haya.

adan.jpg?resize=696%2C696&ssl=1

Xildhibaan Aadan Keynaan ayaa laga soo doortay magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya, waxa uuna hada noqonayaa ninka ugu sareeya ee Xisbiga Jubilee ku matalaya Soomaalida Kenya.

Aadan Barre Ducaale ayaa mudo 7-sano ah hayay xilka hogaamiyaha aqlabiyada Baarlamaanka  Kenya , waxaana xil ka qaadistiisa timid isbadalo lagu sameeyay xisbiga talada dalka haya kadib markii ay kala tageen Madaxweyne Uhuru iyo kuxigeenkiisa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this