Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo iyo Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada oo Ku Sheekeysanaya  “Whatsapp Group”

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa xaqiijinaya in madaxweynaha federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada ay maanta ku wada hadlayaan “Whatsapp group”.

Arrintan ayaa timid kadib markii ay diideen madaxda maamulka goboleedyada in la adeegsado aaladda Zoomka iyo SKPE-ka. Lama oga sababta ay u diideen.

Ajendaha labada dhinac ka hadleen ayaa waxaa ka mid ah isu soo dhowaanshiyaha dhinacyada, Covid 19, amniga, doorashada iyo arrimo kale.

Madaxweyne Farmaajo ayaa horay casuumaad u fidiyey madaxweyneyaasha maamul goboleedyada si looga hadlo arrimaha hortabinta u leh qaranka, dacwada oo aan la ogeyn sida ay u ajiibeen iyo waqtiga fool-ka-fool la isu arkacyo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this