Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Qaraxyo culus oo lagu burburiyey garoonka Buulo-Burte

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo is-xigxigay oo saaka aroortii hore ka dhacay gudaha garoonka diyaaradaha degmada Buulo-Burte oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Qaraxyada oo ahaa nooca miinada, islamarkaana gaarayey illaa saddex ayaa waxaa lagu aasay dhismaha qeybta nasashada ee garoonkaasi, taas oo dhulka lala simay.

Ma jiro khasaare nafadeed oo ka dhashay qaraxyadaasi, marka laga reebo burburka dhismahaaasi, sida ay innoo sheegeen ilo deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Sidoo kale sawirro lagu baahiyey internet-ka ayaa muujinaya saameynta ballaaran ee ay qaraxyadaasi ku yeesheen garoonka Buulo-Burte.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada ayaa qaraxyadaasi ku eedeeyey Al-Shabaab, waxaana ay sheegeen in xilliga ay dhacayeen aysan wax dad ah joogin garoonka.

Buul-Burte ayaa ka mid ah magaalooyinka waa weyn ee ay weerada qorsheysan ka fuliyaan dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo weli ku xoogan gobolka Hiiraan.

3-6.jpg 1-9.jpg 2-8.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this