Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo sheegtay in ay sharciga la tiigsan doonto Jaamacad ay aas’aaseen Dad Soomaali ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ayaa shaaciyay in uusan jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya Qaramada Midoobay iyo jaamacadda la baxday ‘United Nations Academy of Somalia (UNAS).

Qoraal ka soo baxay Xafiiska UNSOM, ayaa lagu sheegay in Adeegsiga sharciga ah ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay kaliya lagu heli karo, kaddib markii la maro hannaan adag oo codsi ah oo u baahan oggolaansho qoraal ah oo ka yimaada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Qoraalka ayaa lagu caddeeyay, in ‘UNAS’ aysan  codsan, islamarkaana aysan helin Rukhsad ay ku isticmaasho magaca QM ama astaanta, taasi oo ka dhigan in aysan oggolaansho ka wadan UN-ka , balse laga leeyahay u jeeddooyin ganacsi oo gaar ah.

Sidoo kale, UNSOM ayaa xustay in ay  xiriir la sameysay ‘UNAS,’ mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo shabakadaha caalamiga ah oo ay quseyso ee dhanka Internet-ka iyo hay’adaha warbaahinta bulshada kuwaas oo ay ku wargalisay arrinta ku saabsan adeegsiga aan sharciga aheyn ee magaca iyo astaanta Qaramada Midoobay.

Ugu dambayntii, Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa sheegay in ay dacwad sharci ah la tiigsan doonaan UNAS haddii aysan joojin adeegsiga magaca iyo Astaanka Qaramada Midoobay.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo sheegtay in ay sharciga la tiigsan doonto Jaamacad ay aas’aaseen Dad Soomaali ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this