Deeq A. Posted June 22, 2020 Janaale (Caasimada Online) – Ugu yaraan 4 jeer todobaadkii tegay magaalada Janaale ee gobalka Shabeellada Hoose waxaa lagu soo qaaday weerar madaafiic ah, kaas oo laga soo rido duleedka magaalada, waxaana madaafiicdaas magaalada ku garaaca Al-Shabaab. Mas’uuliyiinta ammaanka iyo dadka degaanka ayaa sheegay in Al-Shabaab oo ku sugan duleedka magaalada ay madaafiic si joogto ah ugu garaacaan xaafadaha magalaada oo dhawaan dagaal ku qabsadeen ciidamada Soomaaliya. Madaafiicda Al-shabaab ayaa sababa dhimasho iyo dhaawac dadka Shacabka ah mana lahan magaalada xarumo caafimaad. Sidoo kale magaalada malahan waddooyin furan oo laga bixi karo ama laga soo geli karo. Dadka degaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in Janaale aysan laheyn hal Isbitaal ama goob caafimaad oo dhaawac qaabili karta, sidoo kalane aysan magaalada hal dhinac uga bixi karin dad badan oo dhaawacyo ahna ay daadsan-yihiin xaafadaha magaalada. Warar madax-banaan oo aan helnay ayaa sheegaya in 24-kii saac ee ugu dambeysay madaafiic magaalada ku soo dhacday ay ku dhaawacmeen 11 qof, waxaana u dhintay laba kamid ah dadkaas. Dhaawacyada ayaa wali yaalla xaafadaha magaalada mana helin daryeel, sidoo kale qaar kamid ah dhaawacyada ayaa lug looga bixiyay magaalada ilaa masaafo fog waxaana la geeyay magaalada marka oo markii Janaale laga bixiyay gaadiid laga saaray duleedka magaalada. Janaale waa magaalo qurux badan oo dul-hoganayo dhiig iyo dhimasho. Dadka degaanka ayaa dowladda ka dalbaday in xarumo caafimaad loo dhiso oo deg deg ah iyo magaalada laga durjiyo Al-Shabaabka soo weeraraya lana furo waddooyinka. Share this post Link to post Share on other sites