Deeq A. Posted June 21, 2020 Kooxo hubeysan ayaa Fagax ee degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir ku dilay wiil dhallinyaro ah, kaas la sheegay inuu ahaa Darawal Mooto Bajaj. Kooxaha ayaa doonayey in dhac u geystaan Mootada, dilka ayaa yimid kadib markii wiilka uu ka dhaga adeygay inuu dhiibo fura, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka. Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabayey Cabduqaadir Goosaar, kooxihii dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday waxaana ay horay u kaxeysteen Mootadii, Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites