Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweenka oo loo xiray kuraasta labada Aqal ay ku leeyihiin

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15927586825375971.jpg?w=1000&ssl=

Golaha Shacab ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Mudisho ayaa ansixiyay xeerka qoondada haweenka ee doorashada.

Kulanka waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana dood dheer kadib 134 Xildhibaan ay ogolaadeen in kuraasta haweenka aan lagu darin kuwa raga oo loo gaar yeelo, halka 7 Xildhibaan ay diideen.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mohamed Mursal ayaa ku dhawaaqay natiijadda codeynta xeerka qoondada Haweenka ee doorashada ee Golaha Shacabka u soo gudbiyay Guddiga KMG ah ee diyaarinta xeerarka dhamaystirka sharciga doorashooyinka Qaranka.

Baarlamaanka Soomaaliya oo u xiray haween kuraasta labada ee Aqal.

Posted by Puntland Post on Sunday, June 21, 2020

Xeerka ay maanta ansixiyeen Golaha Shacabka ayaa dhigaya in kuraasta labada Aqal ee haweenku hadda haystaan ay u tartami karaan oo kaliya haween.

PUNTLAND POST

The post Haweenka oo loo xiray kuraasta labada Aqal ay ku leeyihiin appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this