Sign in to follow this  
Deeq A.

Tartankii Lagu Xusayay Laacib Uurey Oo Si Wanaagsan Ugu Socda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa si xiiso u socda tartanka lagu xusayo xidigihii hore Gobolka Baay iyo Xulka Qaranka Soomaaliya Maxamed Xaaji Uurey waxaana kulan ciyaareed ka mid ahaa tarankaas wada dheelay labo koox oo ku kala ciyaaray degmooyinka dharkenlay iyo Wartanabadda waxayna guusha ay raacday Warta nabadda.

Dharnkly-vs-warta.00_00_07_16.Still003-1

Maamo Sahro oo ka mid ah dadka aad u xiiseeya horomarka ciyaaraha Soomaaliya ayaa ka mahad celisay tartamadan lagu xusayo halyayadii hore ee soo maray isboortiga Soomaaliya,waxayna sheegtay in ay tahay wax loo baahan yahay in la xasuusti taariikhda xidigihii dalka.

 Dharnkly-vs-warta.00_00_18_14.Still005-1

kulanka waxaa ka soo muuqday guddoomiyaasha ciyaaraha degmooyinka dharkenlay iyo warta nabadda,iyagoo soo bandhigay xirfada wanaagsan oo aad u soo jiitay taageerayashii ka soo weyb galay

Dharnkly-vs-warta.00_00_11_15.Still004-1

Si kastaba xiisaha tartanka lagu xusayo ciyaaryahan Maxamed Xaaji Aadam (Uurey) ayaa si weyn looga hadlayaa dalka iyo dibadda,iyadoo ay isku arkeyn ciyaartooy in mudo ah ay iskugu danbeesay.

Dharnkly-vs-warta.00_00_22_21.Still006-1

Halkan Ka Daaw Warbixin Ku Saabsan Kulankii Dhexmaray Kooxaha Warta Nabada Iyo Dharkenley

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this