Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo Gadooday oo xidhay Wado muhiima oo ku dhaw Madaxtooyada Somalia+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo Gadooday oo xidhay Wado muhiima oo ku dhaw Madaxtooyada Somalia+Sawirro

 ciidamo-gadooday.jpg

Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya oo ka caraydhsan mushaar la’aan mudo soo wajahaday ayaa maanta xidhay wadada soo gasha Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan wadada ka timaada dhinaca Taalada Daljirka dahsoon.

Ciidamadan ayaa gaadiidka dagaalka ee ay wateen ku jaray laamiga, waxayna joojiyeen in wax gaadiid ah wadadaasi maraan, ciidamadan ayaana sheegay in ay ka cabanayaan mushaar la’aan mudo dheer haysatay.

Qaar kamid ah ciidamada wadada xidh ayaa sheegay in ay kasoo baxeen aaga dagaalka ee Shabeelooyinka, waxayna tilmaameen in aysan helin xaquuqdii ay dowlada ku lahaayeen.

Ciidamadan ayaa ugu baaqay madaxda dowlada federaalka gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha in xaquuqda ka maqan la siiyo ama laga fasaxo shaqada ciidanka si ay u noqdaan shacab.

 cidan-1.jpg?resize=696%2C339&ssl=1 cidan-2.jpg?resize=696%2C522&ssl=1 cidan-3.jpg?resize=696%2C522&ssl=1

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this