Sign in to follow this  
Deeq A.

Qardho: DHalac iyo Kaatun oo shaqada dib loogu fasaxay

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Ciidanka Booliiska Dowladda Puntland Sarreeye Guuto Cabdi  Xassan Xuseen (Cabdi Yare) ayaa dib shaqada ugu fasaxay Taliye ku xigeenka Qaybta Booliiska Gobolka Karkaar Jaamac Cismaan Axmed Dhalac iyo iyo Taliyaha saldhiga bartamaha Qardho Cumar Hiirad Kaatun.

12-kii bishaan June ayay ahayd markii Taliyaha Booliiska uu shaqada ka joojiyay labadaasi Sarkaal, kadib markii ay ku lug-yeesheen dhacdo la xiriirtay muuqaal Booliiska Qardho ay ka duubeen dhalinyaro xilli habeen ah ku cawaynaysay bannaanka Magaalada Qardho, kuwaas oo la sheegay in si banii’adanimad ka baxsan loola dhaqmay.

Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay in si hoose loo xalliyay cabashadii laga soo gudbiyay labada sarkaal ee ku lug-yeeshay dhacdada muuqaalkii laga duubay dhalinyarada, kaas oo caro iyo hadal-hayn badan ka dhaliyay baraha bulshada.

Taliyaha Booliisku wuxuu horay u sheegay in baaritaan dhab ah lagu samayn doono falkaas ay ku kaceen labada sarkaal, islamarkaana la marin doono ciqaabta ay mutaystaan.

PUNTLAND POST

The post Qardho: DHalac iyo Kaatun oo shaqada dib loogu fasaxay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this