Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo Ka Tirsan Millatariga Soomaaliya Oo Gadoodsan Kana Cabanaya Mushaar La’aan Oo xidhay Waddooyinka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga dowladda Soomaaliya oo ayaa xidhay Waddooyin ku dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, gaar ahaan Taalada Daljirka Daahsoon iyo ilaa agagaarka Guriga wasaaradda amniga.

Ciidamada oo ah kuwa badan, isla markaana wada gaadiidka nooca dagaalka ayaa ka Cabanaya Mushaar la’aan soo wajahday muddo sannad iyo bilo ah, iyagoo sheegay inay u baahan yihiin Mushaarkii ay xaqa u lahaayeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan qeybta 27-aad ee Gobolka Hiiraan oo warbaahinta kula hadlay Daljirka Daahsoon ayaa waxaa ay u sheegeen inay mushaar la’aan yihiin muddo sannad iyo 9 Bilood ah.

Madaxda Federaalka Soomaaliya ayay ku eedeeyeen Saraakiisha Ciidanka in ayna siin Mushaaraadkooda, xili ay tilmaameen in Madaxda ay sheegayaan in Ciidanka la siiyo Mushaaraadka.

Hadlkan ay kasoo saareen Saraakiisha Ciidanka ee cabanaya ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo dhawaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu sheegay ee hadal ahaa in Ciidanka Xoogga ay si joogta ah mushaarka loo siiyo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this