Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorax madoobaad laga arkay meelo ka mid ah Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Caasimada Online ) – Inta badan Soomaaliya ayaa maanta laga arkay Qorax madoobaad, iyadoo qeyb ka mid ah qoraxda ay madoobaatay.

Meelaha laga arkay qorax madoobaadka ayaa ka mid ah magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

Khubarada falaga ayaa horay us heegay in 21 bisha June ay dhaceyso qorax madoobaad (Partial Eclipse)

Qorax madoobaadka noocan ah waxa loo yaqaan Annular Eclipse waa marka uu dayaxu isku gudbo iftiinka qoraxda, balse uusan si buuxda u wada qarin oo ay qorraxdu hareeraheeda ka iftiimayso.

Masajidyada ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka ayaa waxaa ka bilowday salaatul jaamica.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this