Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil & xubno ka tirsan Al-Shabaab ‘oo lagu dilay’ gobolka Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) -Taliska ciidamada Xoogga  ayaa faah faahiyey howlgal qorsheysan oo laga fuliyey qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed.

Taliyaha ciidamada dhulka Gen. Cabdixamiid Maxamed Dirir oo u warramay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalkaasi oo dhacay duleedka Janaale ay ku dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Dirir ayaa xusay in howlgalka uu yimid, kadib markii kooxda Al-Shabaab weerar madaafiic ah ay ku qaadeen saldhigyada ciidan ee ku yaalla halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in si gaar ah howlgalkan uu uga dhacay tuulada Dug-wariiri, ayna ku dileen labo sarkaal oo Al-Shabaab ahaa iyo 27 dagaalame, sida uu hadalka u dhihay.

Ugu dambeyn taliyaha ciidmada dhulkabee Xoogga Soomaaliyeed ayaa hoosta ka xariiqay inay sii wadi doonaan howlgallada ballaaran iyo dhaq dhaqaaqyad ka socda gobolka Shabeelaha Hoose.

Janaale oo ka mid ah magaalooyinkii u dambeeyey ee ay la wareegeen ciidamada dowladda, ayaa waxaa inta badan weeraro ku qaada Al-Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this