Sign in to follow this  
Deeq A.

Saddex Qof Oo Ku Dhintay Weerar Lagu Geystay Mindi Oo Ka Dhacay Dalka Ingiriiska

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Reading)-Saddex qof ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, kaddib markii lagu toorriyeeyey Baarkin ku yaalla magaalada Reading, ee dalka Ingiriiska sida ay booliisku xaqiijiyeen.

Nin 25 sanmo jir oo lagu tuhunsan yahay falkan kana soo jeeda magaalada Reading ayaa loo qabtay weerarka.

Weerarku wuxuu ka dhacay Beeraha Forbury abaare 7-dii fiidnimo xiliga dalka Ingiriiska halkaas oo dhowr qof toorri lagu weeraray.

Ilo wareedyo dhanka ammaanka ah ayaa u sheegay BBC-da in ninkan loo qabtay kiiskani uu yahay yahay Liibiyaan.

Qof goobjooge ah ayaa BBC-da u sheegay in uu arkay nin dhex maraya dadka oo ku sugnaa beerta isaga oo isku dayaya inuu mindi la dhaco.

Waxaa jira warbixino sheegaya in sarkaal booliis ah uu si dirqi ah ku qabtay tuhmanaha isaga oo isku deyaya inuu baxsado sida laga soo xigtay wargeyska Sunday Mirror.

Taliyaha booliska Thames Valley ayaa sheegay in ayna jirin cid kale oo ay ku daba joogaan weerarkan.

Waxa uu intaasi ku daray in ayna haatan dhacdadaan u aqoosanayn fal argagixsisonimo ah balse booliska ay weli baadhitaan wadaan iyagoo taageero ka helaya booliska la dagaalanka argagixisada ee koonfurgalbeed.

Booliska ayaa codsaday in qofkasta oo haya muuqaal ama sawir la xidhiidha weerarkan uu soo gudbiyo.

Balse waxaa dadka loogu baaqay in ayna baraha bulshada ku faafinin sawirada iyo muqaallada laga duubay weerarka, hadakan ayaa ku soo beegmaya kaddib markii baraha bulshada lagu arkayay muuqaallo dhex-wareegaya oo la xidhiidha weerarka.

Booliska Thames Valley ayaa sheegay in dhacdada ayna la xidhiidhin ololaha nolosha qofka madaw waa muhiim oo mar sii horreysay ka socday goobta ay mashaqadu ka dhacday.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this