Sign in to follow this  
Deeq A.

Qorax Madoobaad Saaka Laga Arkay Meelo Badan Oo Kamid Ah Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Qorax Madoobaad ayaa saaka oo Axad ah lagu arkay Magaalooyin badan oo ka tirsan Gobolada dalka Somaliland.

Culumada Cilmiga Xiddigaha ayaa shalay waxay saadaaliyeen inuu Qorrax madoobaad ka dhici doono dalal ka tirsan Khaliijka, Bariga Afrika iyo Qaaradda Asia, iyadoona saaka la arkay.

Dadka ku sugan Gobolada dalka ayaa waxaa ay sheegeen inay arkeen qeyb kamid ah Qorraxda oo Madoobaatay.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in Masaajido ku yaalla Hargeysa iyo Gobolada dalka lagu tukaday salaad Alle baryi ah, waxaana buux-dhaafiyay dadweyne badan.

Dhacdooyinka Qorraxda ama Dayaxa oo Madow noqdo waa arrin awoodda Rabi ku dhacda, loona baahan yahay inay dadka Muslimiinta ku cibaara qaataan iyo in la tukado Salaad iyo Taqwada Alla bari ah oo la badiyo xiliyadaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this