Sign in to follow this  
Deeq A.

Weerar is-miidaamin ah oo lagu qaaday saldhigga ciidamada DF ee Bacaadweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Faah fàahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar is-miidaamin ahaa oo kooxda Al-Shabab saaka aroortii hore ay ku qaaday saldhig ciidanka dowladda ay ku leeyihiin gobolka Mudug.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu ekeeyey saldhigga ciidmada qeybta 21-aad ay ku leehiin deegaanka Bacaadweyn ee gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda oo ka hadlay weerarkaasi ayaa sheegay inay ka hortageen, islamarkaana ay qarxiyeen gaari nooca ay Soomaalida u taqaaano Leyla Calaawi oo laga soo buuxiyey wayaabaha qarxa.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen inay halkaasi ku dhinteen raggii saarnaa gaariga ee weerarka qaaday.

Saraakiisha ka hadashay weerarkaasi ayaa dhankooda xaqiijiyey in weerarkan looga dilay illaa laba askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab, balse xaaladda ayaa haatan ah mid degan.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this