Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo dilay Xasan Daahir Mire kadib eedeyn xasaasi ah oo ay u jeediyeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa fagaare ku yaalla degaanka Galhareeri ee gobolka Galguduud waxay gelinkii dambe ee shalay ku toogteen Xasan Daahir Mire oo ahaa wiil 23-sano jir ah.

Nin sheegtay qaadiga maxkamadda Al-Shabaab ee gobolka Galguduud ayaa fagaarihii ay toogashadu ka dhacday, dadkii la isugu keenay, waxa uu ka hor sheegay in Xasan ay u heystaan fal basaasnimo ah, isla markaana uu sirdoonka dowladda Soomaaliya wakiil uga ahaa deegaanada ay Al-Shabaab ka joogaan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud.

Waa xukunkii labaad oo Al-Shabaab ay fagaare ku yaalla deegaanka Galhareeri ee gobolka Galgaduud ka fuliyaan shalay, waxayna shalay gelinkii hore xukun jeedal ah ku fuliyeen laba wiil oo dhalinyaro ah, kuwaas oo ay ku eedeeyeen inay kufsi u geysteen gabar ka mid ah dadka deegaanka.

Dhalinyaradaas ayaa lagu fuliyey xukun ahaa min 100 jeedal, sidoo kale mid kasta oo kamid ah waxaa lagu xukumay 14 neef oo Ari ah oo ah meherkii gabadha iyo in laga musaafirinayo deegaanka sida uu sheegay qaadigii Al-Shabaab ka tirsanaa ee xukunka riday .

Al-Shabaab ayaa deegaanada ay maamulaan waxay ka fuliyaan xukunno dil u badan, waxayna badanaa dadka ay dilaan ku eedeeyaan inay u basaasayeen dowladda Soomaaliya iyo la howlgalayaasheeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this