Sign in to follow this  
Deeq A.

Fadeexad soo Wajahaday UAE+Mareykanka oo ugu hanjabay inuu cunaqabateyn ku soo rogi doono Haddii aaney joojin….

Recommended Posts

Deeq A.   

Fadeexad soo Wajahaday UAE+Mareykanka oo ugu hanjabay inuu cunaqabateyn ku soo rogi doono Haddii aaney joojin….

 

uae.jpg

 Maraykanka ayaa Imaaraadka ugu goodiyay in uu kusoo rogayo cunaqabateyn isagoo cuskanaya xeerka Caesar, kaasi oo bartilmaameedsanaya rajiimka Siiriya iyo xulifadiisa.

Washington waxay carrabka ku adkeysay in ay kasoo horjeedo talaabooyin ay Abu Dhabi u qaaday si ay ugu soo dhawaato rajiimka Siiriya, waxayna tilmaantay in cuneqabateynteeda ka dhanka ah Bashaar al-Assad ay bartilmameedsan karto qaybo Imaaraadka ka mid ah.

Wakiilka gaarka ah ee Maraykanka u qaabilsan Siiriya James Franklin Jeffrey oo qabtay shir jaraa’id oo uu uga hadlayay dhaqan-gelinta xeerka ilaalinta rayidka Siiriya ee Caesar ayaa ku dhawaaqay “Imaaradku waa ogyihiin in aan gebi ahaanba diidanay in ay sii wadaan talaabooyinkaas….si cad ayaan ugu sheegtay in aan fikrad qaldan u aragn dib u furista safaaradda Imaaraadka ee magaaladda Dimishiq, iyo booqashadii ay dhawaan halkaas ku tageen wafdi ka socday Imaaraadka.”

Jeffrey ayaa sheegay in talaabooyinkaasi “aysan ka qayb qaadan doonin fulinta qaraarkii Qaramadda Midoobay [No. 2254] iyo dhameynta colaadda Siiriya, taasi oo si adag wal-wal ugu abuurtay dhammaan gobolka”.

“Cid walba oo sameysa dhaq-dhaqaaq dhaqaale, Imaaraadka ha ahaado ama wadan kale, dhaq-dhaqaaqyadaasna ay wafaqayaan heerka cunaqabateynta, waxaa bartilmaameedsan doona cunaqabateynta Mareykanka,” ayuu yiri Jeffrey.

Arbacadii, Maraykanka ayaa cuneqabateyn kusoo rogay 39 dad iyo shirkado isugu jira, oo ay ka midyihiin al-Assad iyo marwadiisa Asma, si uu u hor istaago ilaha dhaqaale ee Dowladda Siiriya, waana isku day ladoonayo in dib loogu celiyo wadaxaajoodka ay Qaramadda Midoobay garwadeenka ka tahay.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mike Pompeo ayaa warkii cunaqabateynta ku xaqiijiyay in cuneqabateyn dheeri ah la fili karo in lagu soo rogo al-Assad todobaadyadda iyo bilaha soo socda.

Dhamaadkii 2018-kii, Imaaraadka Carabta aya furay safaaradii uu ku lahaa magaaladda Dimishiq, kadib lix sano oo ay xirneyd, inkastoo Imaaraadka Carabta ka mid yahay dalalka sida daran fagaareyaasha caalamiga ah uga dhaleeceeya Dowladda Assad.

Muddo sanado ah Imaaraadka Carabta waxaa uu soo dhaweynayay, ganacsato xiriir la leh Bashar al-Assad, kuwaas oo laga yaabo in cuneqabateynta Maraykanku bar-tilmaameedsato .

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this