Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo ku guul darreystay kiis muhiim u ahaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Trump oo ku guul darreystay kiis muhiim u ahaa

John Bolton intii uu la taliyaha amniga qaranka ahaa wuxuu kaalin weyn ku lahaa siyaasadda arrimaha dibadda ee MareykankaJohn Bolton intii uu la taliyaha amniga qaranka ahaa wuxuu kaalin weyn ku lahaa siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka

Garsoore Mareykan ah ayaa ku gacan seyray isku day uu maamulka Trump ku doonayay in la hakiyo soo bandhigidda buug uu qoray la taliyihii hore ee amniga qaranka, John Bolton.

Waaxda caddaaladda ayaa ku doodeysay in buuggaas aan si sax ah loo turxaan bixinin.

Garsoore Royce Lamberth, oo xaakin ka ah maxkamadda degmada ee magaalada Washington DC ayaa sheegay in Mr Bolton uu “khamaar ku ciyaaray” amniga qaranka Mareykanka, “uuna waddankiisa halis u galiyay khatar”.

Laakiin wuxuu xukunkiisa ku sheegay in dowladdu “ay ku guul darreysatay sidii ay uga hortagi lahayd waxyeello aan kasoo kabasho lahayn”.

Buugga uu Trump kasoo hor jeedo in la shaaciyo ayaa suuqyada loo iib geyn doonaa 23-ka bishan June.

Waxaa ku jira qoraallo uu Mr Bolton ku sharraxayo in madaxweynaha uu wax kasta u sameynayay sidii uu mar kale xilka ugu guuleysan lahaa.

  • Donald Trump ayaa cadaadis badan wajahaya xilli ay doorashada madaxweynaha Mareykanka dhaceyso bisha November
Donald Trump ayaa cadaadis badan wajahaya xilli ay doorashada madaxweynaha Mareykanka dhaceyso bisha November

Inta badan eedeymaha ku jira buuggaas waxay ku saabsan yihiin wadahadallo khaas ah oo uu madaxweynaha sameeyay, suurtagalna ma aha in caddeymo loo keeno.

Maamulka Trump ayaa dagaal ugu jiray in la mamnuuco buugga, wuxuuna madaxweynaha sheegay in lagu aruuriyay “qoraallo ku dhisan sheekooyin been abuur ah oo la sameystay”.

Bolton ayaa warbaahinta la wadaagay qeyb ka mid ah buugga uu dhawaan daabici doono oo ka hadlaya muddadii uu la shaqeynayay Trump iyo wixii uu goobjoogga u ahaa.

Eedeymaha buugga ku jira waxaa ka mid ah:

  • Madaxweyne Trump wuxuu caawinaad ka raadsaday madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping si uu ugu guuleysto codbixinta doorashada 2020-ka, isagoo taas baddalkeedana mudnaan siinaya “muhiimadda ay leeyihiin beeraleyda iyo kordhinta soo iibsashada dalagyada shiinaha ee digirta iyo qamadiga, taasoo ku xiran natiijada doorashada”
  • Wuxuu sidoo kale sheegay in tallaabada uu shiinaha ku dhisayo xeryaha loogu talagalay maxaabiista siyaasadda, kuwaasoo laga sameynayo gobolka Xinjiang ay tahay “mid sax ah”
  • Madaxweyne Trump wuxuu doonayay inuu faragalin ku sameeyo baaritaannada dambi “si uu taageero shakhsiyeed ugu muujiyo hoggaamiyeyaasha kalitalisyada ah ee uu la dhacsan yahay”. Mr Bolton wuxuu sheegay in Mr Trump uu u heellanaa inuu garab istaago madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, si uu uga caawiyo kiis la xiriira shirkad laga leeyahay Turkiga
  • Madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay in faragalin milatari oo lagu sameeyo Venezuela ay ahaan lahayd “wax fiican” iyo in waddankaas ku yaalla koonfurta Ameerika “uu yahay qeyb ka mid ah Mareykanka”
  • Madaxweyne Trump kama uusan warqabin in UK ay leedahay awoodda nuclear-ka, marna wuxuu sarkaal ka tirsan kooxdiisa maamulka weydiiyay in Finland ay ka tirsan tahay Ruushka.

Bishii January, Aqalka Cad ayaa sheegay in buugga lagu faafinayo “sir culus” taasoo ay tahay in meesha laga saaro, balse Bolton ayaa diidday arinkaasi.

BoltonBolton ayaa beeniyay in buuggiisa uu faafinayo sir qaran

Madaxweyne Trump ayaa lagu wadaa in bisha November uu loollan adag kala kulmo Joe Biden oo ah musharraxa xisbiga Dimuqraadiga, ahna madaxweyne kuxigeenkii hore ee maamulkii Barack Obama.

Buugaag badan ayaa ilaa iyo hadda laga qoray madaxtinnimada Trump, laakiin buugga u dambeeyay ee uu qoray lataliyihiisii hore ee ammaanka John Bolton ayaa soo jiitay indhaha dad badan marka la eego eedeymaha uu ku qoray buugiisa cusub iyo xilka uu u hayay Trump.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this