Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaanuun iyo xeer ahaan caalami ah, ma jirin midnimo dhex martay JSL iyo Somalia 1960kii

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaanuun iyo xeer ahaan caalami ah, ma jirin midnimo dhex martay JSL iyo Somalia 1960kii. Waxay ahayd is-dhex-yaac iyo niyad wanaag lagu raadinayay xoraynta dhammaan dalalka Somalida. Kuwaas oo ay ahayd marka ay xoroobaan in la wada dhisto dawlad Somaliweyn oo la wada leeyahay, taas oo si cilmiyaysan oo sharci ah loogu wada heshiiyo. Markhaatina ay ka ahaadaan beelsha caalamku QM ( Waana sida ay tahay in lagu dhaqmo marka ay dawladuhu midoobayaan ). Garashada cilmiga dawladnimadu waa aqoon ku dhisan cilmiga loo yaqaan Arrimaha Bulshada ama afka qalaad ( Social Studies ). Kulanka iyo dhex-dhexaadinta JSL iyo Somalia waa mid uun keli ah oo ku dhisan in ay maanta isku raacaan inay maanta midoobiyaan oo qodobada heshiiskeeda leh iyo in ay is aqoonsanayaa oo ay ahaadaan laba dal oo walaalo ah oo kala madax banaan sida walaalaheen J. Jibouti oo kale. Maxay tahay midnimada fasaxday gooni-isu-taagga J. Jibouti iyo tan JSL oo qarqarka loogu dhiggan yahay?! Waxa la yidhi,”Aan ku jiido adna i jiid waa gacmo daalis”!

1960kii may dhicin mana jirin midnimo sax ah oo qaanuuni ah oo dhex martay JSL iyo Walaalahood J. Somalia. Waxa ay ahayd xulufaysi lagu dhisayay xukuumad ku-meel-gaadh ah oo lagula macaamilo beelsha caalamka, si loo dhammaystiro madaxbannaanida shanta Somaliyeed ee walaalaha ah.

Qadiyadda JSL iyo Somalia waxa ay rasmi ahaan ku dhammaan kartaa Maxkamadda Caalamiga horteeda iyo garsoorkeeda, haddii aanay iyagu si walaalnimo ah isu aqoonsan . Marka ay is aqoonsadaan waxa u fududaanaya waxa maanta laga wada hadlayo ee walaalnimada iyo wada noolaanshaha ku dhisan In-kasta oo ay dunida maanta ka jirto nidaam lagu wada midaynayo oo loo yaqaan afka qalaad ( Globalization ) – Caalam mid ah. Taas oo loo adeegsado gacmo qarsoon oo aanu Dammiinka iyo Qashiimku fahmi Karin.

“Xalaal iftin baa la qashaa”!
Waa xikmad Somaaliyeed oo dhaxal-gal ah.

Wa-Allaahu Al-Muwafaq.
Ducaale Hadalwanaaje II

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this