Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Weerar culus oo goor dhaw ka dhacay guriga sarkaal ka tirsan ciidamada DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Wanllaweyn (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno degmada Wanllaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in caawa la weeraray guriga sarkaal ka tirsan militeriga Soomaaliya uu ku leeyahay degmadaas.

Sarkaalka uu gurigiisa weerarkaas ka dhacay caawa ayaa magaciisa naloogu soo koobay Halac, waxaana la sheegay in gudaha guriga mar qora laga maqlay jugta laba qarax oo waaweyn.

Waxaa lasoo sheegayaa in halkaas uu ka dhashay khasaare badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaas oo soo gaaray askartii ilaalada u aheyd sarkaalka gurigiisa la weeraray iyo xubno ka tirsan qoyskiisa.

Illaa hadda ma cada waxa loo adeegsaday weerarka caawa ka dhacay guriga sarkaalkaas ka tirsan militeriga Soomaaliya uu ku leeyahay degmada Wanllaweyn, balse dad ka agdhaw halkaas ayaa noo sheegay in gudaha guriga laga maqlay laba jug oo aad u culus, kuwaas oo loo maleynayo qaraxyo.

Dadkii ay dhaawacyadu kasoo gaareen weerarkaas waxaa la sheegay in loo qaaday xarumaha caafimaadka ee degmada Wanllaweyn oo sida dadka ku nool magaalada ay noo sheegeen aan tayo badneyn, waxaana xusid mudan in dhaawacyada daran aysan sahlaneyn in loo qaado meelo kale, sida magaalada Muqdisho, maadaama aysan sahlaneyn si loo marsiiyo wadada oo mar hore weerarrada Al-Shabaab looga go’ay.

Wararka kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkaas ayaa isi-soo taraya, balse illaa hadda lama xaqiijin karo inta uu khasaaraha rasmiga ah, sidoo kale ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadiisa weerarkaas.

Degmada Wanllaweyn ayaa waxaa ka jira dagaal beeleed in mudo ah ka taagnaa, oo bilihii lasoo dhaafay gaaray heer meydadka dadka la iska dilo la gobo, taas oo hey’adaha garsoorka dalku ay ku baxeen, in kastoo ay weli jirto colaadii u dhaxeysay beelihii ku dagaalamay halkaas oo aan weli si dhab ah aan xal looga gaarin khilaafkooda.

Sidoo kale Wanllaweyn waxay ka midtahay magaalooyinka gobolka Shabeellada Hoose ee kaabiga ay ku hayaan Al-Shabaab, isla markaana ay mararka qaar weerarrada ka geystaan, sidoo kale wadooyinka soo gala ayaa u go’doonsan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this