Sign in to follow this  
Deeq A.

Muqdisho: Askari Ka Tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya Oo Darawal Gaadhi Ku Dilay Lacag Dhan 5-Kun Shilin Soomaali

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Askari ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa toogasho ku dilay mid kamid ah darawaliinta kaxeeya gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano Homey, kadib markii uu rasaas ku furay darawalka oo ay lacag ku murmeen.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Warqabadka maxaliga ah ee Muqdisho ayaa waxaa ay u sheegeen in falkaas uu ka dhacay Isgoyska Ex-Control Afgooye ee Muqdisho, waxaana dilka uu ka dambeeyay kadib markii Askariga iyo Ninka ay wada-murmeen.

Sidoo kale dadka la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sheegeen in askariga Dowladda uu Darawalka weeydiistay lacag dhan 5-kun oo Shilin Soomaali ah, hayeeshee uu ka dhago adeegay, sidaasina uu Askariga fasaas ugu furay Darawalka oo geeriyooday.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Askariga falka geystay uu si Deg deg ah u baxsaday, waxaana goobta uu falka ka dhacay Meydka ka qaaday Dad shacab ah oo halkaas ku sugnaa, sidoo kalena falkaas siweyn uga cadhooday.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii Askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu Odey da’ah ku dilay Isgoyska Ceel-gaabta ee Degmada Xamarar-Jajab ee Gobolka Bnaadir, wuxuuna falka yimid muran ka dhashay xabad sigaar ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this