Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Taliyeyaal Cusub oo Loo Magacaabay Ururrada Guutada 15-aad Ee CXD Qeybta 21-aad

Recommended Posts

Deeq A.   
Wareegto uu soo saaray Odowaa Yuusuf Raage Taliyaha ciidamada xoogga dalka ayaa lagu magacaabey Taliyaasha iyo Taliye Xigeenada Ururada Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad iyo Taliye Xigeenka Guutadaasi.

1-Taliye xigeenka Guutada 15-aad ayaa loo magacaabey Gaashaanle c/samad muuse Yuusuf .

2-Gaashaanle Cismaan Cali Xaashi ayaa loo magacaabey Taliyaha Ururka 71-aad Guutada 15-aad QB-21-aad

 

3-Gaashaanle Axmed Dabeyl Cabdule ayaa loo dhiibay Ururka 72-aad Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad .

4-Dhamme Sayid Cabdi Axmed Abtidoon ayaa loo magacaabey Taliye xigeenka Ururka 71-aad Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad.

5-Dhamme Fatxi Sayid Muxudiin Axmed oo laga soo badaley Ururka 38-aad ee Taliska Guud loona soo badaley QB-21-aad ayaa soo magacaabey 73-aad Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad .

6-L/X/Le: Maxamed Nuur Cabdi Cawaale oo laga soo badaley Turkisom ayaa loo dhiibay Taliye Xigeenka Ururka 72-aad Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad.

7-L/X/Le: Cali Abdule Hiraabe ayaa isna loo magacaabey Taliye Ku xigeenka Ururka 73-aad Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this