Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaarad Drone ah oo ay laheyd Al-Shabaab oo lasoo riday

Recommended Posts

Deeq A.   

Bardaale (Caasimadda Online) – Diyaarad nooca aan duuliya laheyn oo ay Laheyd Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo riday gudaha Soomaaliya sida ay ogaatay Shabakadda Caasimadd Online.

17-kii Bishii June ee sanadkaan 2020 ayey Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan toogteen diyaaradaan aan duuliyaha laheyn oo ay laheyd kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab xilli ay mareysay inta u dhaxeyso Magaalooyinka Luuq iyo Bardaale oo ka kala  tirsan Gobolada Gedo iyo Baay.

Diyaaradda ay laheyd Al-Shabaab ee la toogtay ayaa lasoo sheegaya in xilliga la tooganayey ay kormeer ku kor sameeneysay kollonyo ka tirsan ciidamada  AMISOM.

Diyaaradda lasoo riday ayaa  basaaseysay ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee deegaanadaas ku sugan ka hor inta aan lala helin Gantaal.

Saraakiisha Al-Shabaab kama aysan hadlin diyaaradaan laga soo riday sidoo kalana AMISOM war kama aysan soo saarin dhacdadaan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro la beegsato kolonyada ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ee ku sugan Soomaaliya, waana markii ugu horeysay oo lasoo rido diyaarad ay laheyd  Al-Shabaab.

ddd.jpg AMISOM.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this