Deeq A. Posted June 20, 2020 Bardaale (Caasimadda Online) – Diyaarad nooca aan duuliya laheyn oo ay Laheyd Kooxda Al-Shabaab ayaa lagu soo riday gudaha Soomaaliya sida ay ogaatay Shabakadda Caasimadd Online. 17-kii Bishii June ee sanadkaan 2020 ayey Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ku sugan toogteen diyaaradaan aan duuliyaha laheyn oo ay laheyd kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab xilli ay mareysay inta u dhaxeyso Magaalooyinka Luuq iyo Bardaale oo ka kala tirsan Gobolada Gedo iyo Baay. Diyaaradda ay laheyd Al-Shabaab ee la toogtay ayaa lasoo sheegaya in xilliga la tooganayey ay kormeer ku kor sameeneysay kollonyo ka tirsan ciidamada AMISOM. Diyaaradda lasoo riday ayaa basaaseysay ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya ee deegaanadaas ku sugan ka hor inta aan lala helin Gantaal. Saraakiisha Al-Shabaab kama aysan hadlin diyaaradaan laga soo riday sidoo kalana AMISOM war kama aysan soo saarin dhacdadaan. Kooxda Al-Shabaab ayaa inta badan weeraro la beegsato kolonyada ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda ee ku sugan Soomaaliya, waana markii ugu horeysay oo lasoo rido diyaarad ay laheyd Al-Shabaab. Share this post Link to post Share on other sites